الله أكبر: Qur’aan la qoray xilligii NEBI Muxammad صلى الله عليه و آله وسلم oo la helay (Sawirro iyo Video)

Maqaar ay ku qoran yihiin aayado ka mid ah qur’aanka, oo la rumeysan yahay inay tahay tii ugu cimriga dheereyd, ayaa laga dhex helay jaamacadda Birmingham ee dalka UK.

Shucaaca loo yaqaan Radiocarbon ee lagu ogaado taarrikhda jiritaanka warqadaha ayaa shaaca ka qaaday in qoraalkan la qoray ugu yaraan 1,370 sano ka hor.

Boggagan ka midka ah ah qur’aanka ayaa ku dhowaad 100 sano iska dhex yaalay maktabadda jaamacadda Birmingham, ayada oo cidna aysan ka war-hayn.

Khabiirka dhinaca maktabadaha oo British ah, Dr. Muhammad Isa Waley ayaa sheegay in shaac ka qaadistan ay rayn-rayn gelin doonto muslimiinta oo idil.

Qoraalkan oo lagu qoray maqaarka idaha, ayaa ku dhex jiray qoraallo badan iyo documents laga soo aruuriyey bariga dhexe ku dhowaad 100 sano ka hor.

Natiijada baaritaanka ee lagu ogaanayey taariikhda la qoray qur’aankan ayaa sheegtay in 95% la hubo in la qoray inta ka dhex leh sanadaha 568 iyo 645 ee miilaadiga.

Aayadaha ku qoran maqaarkan ayaa ah dhammaadka suuradda Kahfi iyo billowga Suuradda Daha ee qur’aanka.

“Waxaa xaqiiq ah in qur’aanka ku qoran maqaarkan uu nagu celinayo sanado yar un kadib markii diinta islaamka ay billaabatay ee xilligii nebi Muxammad صلى الله عليه و آله وسلم‎ ” waxaa sidaas yiri Prof. David Thomas oo jaamacadda Birminham ka dhiga Islaamka Iyo Kirishtanka.

Prof. Thomas waxa kale oo uu sheegay in marka la eego taariikhda la qoray qur’aankan ay macquul tahay in qofka qoray uu noolaa xilliga Nebi Muxammad صلى الله عليه و آله وسلم‎.

Qur’aanka ayaa waxaa markii lagu qoray maqaar, dhagxaan, geedo, caleemo, ka hor inta aan lagu uruurin hal meel oo kitaabka la isugu geyn inta u dhaxeysa sanadda 653 illaa 656, ee xiligii Cusman Binu Cafaan Radiyallah Canhu.

Sidaa darteed, ayaa qur’aankan taariikhiga ah ee la helay waa ka maqan aayado dhowr ah, maadaama qofka qoray laga yaabay inuu qortay aayadihii uu xasuustay ee uu ka maqlay Rasuulka صلى الله عليه و آله وسلم‎. Waxaase cajiib ah oo kaa ilmeysiinaya in qur’aanka ku qoran halkan aanu ku jirin aayad ama wax ka dheeri ah qur’aanka aa maanta heysanno, Subxanallah, taasi oo caddeyn u ah in diin sax ah oo shaki aan lahayn aan haysanno, Subxannallah. Waxaa mahad leh allaha naga dhiggay Muslimiin.

Prof, Thomas waxa uu yiri “Waxaa xaqiiq ah in qur’aankan cusub ee la helay uusan waxba ka duwaneyn kan maanta, qofka qoray waxay u badan tahay inuu qoray qiyaastii 20 sano kadib geerdii Nebi Muxammad صلى الله عليه و آله وسلم‎, taasi oo caddeyn u ah in wax been abuur ah aan lagu darin qur’aankii Nebi Muxammadصلى الله عليه و آله وسلم‎ lagu soo dejiyey.

Hoos ka arag qur’aankan taariikhiga ah, sawirro iyo Video.

qur'an cusub

qur 1

qur 3qur 2