10 qodob oo hoos u dhigaya miisaanka musharaxnimo ee madaxweyne Saciid DeniĀ 

Inkastoo uu dhaliil gaar ah leeyahay musharax kasta ee rajo ka qabo inuu ku guuleysto tartanka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, lana filayo in muddo bil gudaheed ah ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho.Ā 

Musharixiintu marka ay tartanka galayaan waxa ay adeegsadaan luuqad ama xeelado ay dadka ku indho-sarcaadinayaan balse aan marna ka tarjumeyn waxyaabaha lagu bartay musharaxaasi oo ay dadku ku yaqaaniin.

Haddaba, mid ka mida musharixiintan waa Saciid Cabdullaahi Dani oo laga yaabo in dadka qaar ay suā€™aal geliyaan inuu weli yahay Madaxweynaha Dowad-Goboleedka Puntland, maadaama uu kuxigeenkiisii Axmed Karaash sheegtay inuu sifo sharci ah kula wareegay hogaanka Puntland, waxaana soo ifbaxaya iney jiraan arrimo dhowr ah oo hoos u dhigaya culeyska uu Saciid Dani filayay inuu ku yeelan karo tartanka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

Waxaan qiimeyntan ku saleeyay arrimihii ugu dambeeyay ee ka taagnaa welina ka jira deegaanada Puntland iyo weliba hab dhaqankiisa hogaamineed inuu yahay mid u qalmo in lagu aamini karo masiirka Ummadda Soomaaliyeed.Ā 

1-Ā Mudane Saciid Dani, marna ma ogolaan inuu iska iska casilo xilka uu Puntland hayay si uu tartanka doorashada uga qeybgalo isagoo ah musharax madaxbanaan oo Ā isku kalsoon, wuxuuna doonayaa inuu Punland wareegto kusii maamulo isagoo Muqdisho u jooga inuu qabto xil Qaran, xitaa u diidan inuu Axmed Karaash magacaabi karo Guddoomiye Gobol iyo howl-wadeeno kale.

2-Ā Waxa uu boob iyo awood sheegasho kusoo saartay xildhibaano aaney beelahoodu soo xulan si uu danahiisa ugu gaaro, taasoo ay ugu horeyso sida uu rumeysan yahay iney ka caawiyaan guusha tartanka doorashada, kadibna ay guul-wadayaal uga noqdaan baarlaamanka si aan loola xisaabtamin haddiiba ay guushuĀ  dhankiisa marto sida ay rajada ama riyadiisu tahay.

3-Ā Waxa uu Magaalada Boosaaso ka abuuray dagaal aan mid la mid ah soo marin, lagana baaqsan karay oo weliba si aan qarsoodi aheyn uu masā€™uuliyadeeda u sheegtay, islamarkaana uu dagaalkaasi galaaftay nolosha dad badani, sidoo kalena dhaliyay barakac iyo burbur hantiyadeed.

4-Ā Waxa uu si xoog sheegasho iyo sharci-daro ah uu ku eryay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland markii uu rabitaankiisa u hogaansami waayay.

5-Ā Muddadii uu hayay hogaanka Puntland, in tiisa la yeelo mooyee weli uma tanaasulin maslaxada iyo danta Soomaaliyeed iyo xataa midkaĀ  deegaanada Ā Puntland.

6- Waxa uu kala qeybiyay ciidamadii lagu wareejiyay markii uu hogaanka Puntland qabtay, isagoo kasoo saaray furumihii cadawga, deetana dagaal madaxa isugu geliyay ciidamadii halka meel kasoo wada jeeday.

7-Ā Ciddii ka aragti duwan waxa uu u arkaa cadow uu shisheeye gadaal ka riixayo ama Muqdisho laga soo abaabulay, waxuuna xasaanada ka qaaday misana uu xiray xubno baarlamaan, taasoo aaney horey u sameyn madaxweynayaashii kaga horeeyay hogaaminta Puntland.

8-Ā Weligiis ama muddadii uu xilka hayay Beelo Soomaaliyeed isuguma keenin shir dib u heshiisiin ah, iney Beeluhu sii kala fogaadeen oo cadaawada dhexdooda ah korortay mooyee.

9-Ā Marka uu xilka doonayo waxaa lagu bartay inuu gashto shaar nabad-doonimo iyo sama-jaceyl ah, marka uu hogaanka qabtana waxa uu lasoo baxaa kaarkiisa runta ah ee uu aaminsan yahay, kaasoo ah in SIYAASADA LAGU KALA ADKAADO, QOFKII AAN KULA JIRINA UU YAHAY CADOW KAA SOO HORJEEDA.

10- Waxa uu haatan tartanka doorashada ugu jiraa keliya in lagu gacan siiyo sidii uu uga adkaan lahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isuna muujiyo inuu ka fiican yahay ee kama ahan iney xildhibaanadu ku qiimeeyaan INUU YAHAY SHAQSIGII U QALMAY IN LAGU AAMINO MASIIRKA UMMADDA!!

Shukri Aaden
Manchester, UK

AFEEF:Ā Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo raā€™yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaadaĀ caasimada@live.comĀ Mahadsanid.