100 Soomaaliya ah oo marqura xabsi la dhigay iyo DF oo ka hadashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tahriibayaashii ugu badnaa oo lagu xiray dalka Sudan.

Ku dhawaad 100 tahriibayaal ah ayaa lagu xeray xabsi ku yaala dalka SUdan, kuwaasi oo doonayay inay dalkaasi kaga sii gudbaan wadamada kale ee Africa.

Fiidow Maxamuud Fiidow oo dhanka warbaahinta u qaabilsan Safaaradda Dowladda ee dalka Sudan ayaa xaqiijiyay in dadkaasi oo dhalinyaro u badan xabsiga la dhigay.

“Tirada dadka guud, waxaa ku jira 101 oo Somali ka ah, 34 waa haween, iyaggoo xuduudda u sii socda ayaa la soo qabtey, dadka tahriibiyaasha ah dowladda sudan sharci ayaa uga yaallo waxaa lageeyaa xurumaha dambi baarista”.

“ciddii dambi lagu waayo waxaa loo wareejiyaa dhanka qaxootiga UNka ah , waa la celinaa haddii ay doonayaan iney noqdaan haddii kale waxaa loo isticmaalayaa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga ahaan ah oo meel lagu xareeyo.”Ayuu yiri Fiidow.

Dadka Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Sudan ayaa wajihi kara ganaax lacageed ama in dib loosoo celiyo.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com