12-ka dal ee ugu CIIDAMO awoodda badan adduunka

London (Caasimada Online) – Mac-hadka Global Firepower oo ka faallooda awoodda ciidamada iyo dagaalka ayaa daabacay warbixintiisa sanadlaha ah oo ku saabsan 12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan sanadka 2018, sida lagu sheegay warbixinta mac-hadka xoogga ciidanka waddamada sanadkan ugu horeeye adduunka waxa lagu qiyaasay kartida ciidanka, Qalabka iyo miisaaniyadda ku baxda sanadkii, iyada oo waddan walba la fiirinayey horumarka uu ciidankiisu ka gaaray dhinaca adeegsiga Teknolajiyadda.

Warbixinta Global Firepower ayaa lagu xusay in kala hormareynta dhinaca ciidanka ee waddamada loo cuskaday 55 walxood oo loo aqoonsaday in ay yihiin walxaha rogroga awoodda ama port-index ee waddan walba.

Mac-hadka ayaa sheegay in habka la raacay si loo kala hormariyo awoodda ciidamadu uu u ogolaanayo dhammaan dowladaha yaryar  haddii ay horumar fiican ka gaaraan dhanka Teknolajiyadda in ay la tartamaan dowladaha dhul ahaan bedka weyn ku fadhiya balse horumarkoodu yaryahay ama liitaba.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in nidaamka kala hormarinta ee loo adeegsaday ciidamada sanadkan 2018 ugu xoogga badan adduunku uusan ku xirnayn ama uusan muhiimad siin tirada hubka ee wadda walbaa hayto balse taas beddelkeeda waxa uu muhiimad siiyey nuucyada hubka uu waddanku haysto, tusaale ahaan lahaanshaha 100 Miino uma dhiganto qiimaha iyo tabaha 10 markab oo kuwa diyaaradaha xambaara ah.

136 dowladood ayaa warbixintu ku sheegtay in ay ku jiraan 10 ka waddan ee ciidamadoodu ugu xoogga badan yihiin adduunka, Masar oo kujirtay kaalinta 10aad ayaa hadda u dhacday kaalinta 12aad, waxa ayna booska 10aad ee ciidamada ugu xoogga badan soo gashay sanadkii 2017.

Warbixinta Global Firepower ayaa lagu sheegay in aan muhiimad gaar ahaaneed la siin hubka awoodda Nukliyeerka, balse awoodda la islayaqaan ee saameysaa hubkaas la fiiriyey sida sameyska dhulka, sahlanaanta sahayda, ilaha rabbi sameega ah ee waddanku leeyahay iyo waxsoosaarka gudaha ah oo kalasaarid kama dambeys ah kuyeelan doonta natiijada kamadambeysta ah.

Waxa kale uu sheegay mac-hadku in aanay weli dhammaan doodad kusaabsan waddamada aan xeebta lahayn sidaas awgeedna ay kamqan yihiin ciidamada badda oo kaalin weyn ku leh awoodda ciidan ee la qiimeynayo.Global Firepower ayaa shaaciyey 12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan iyada oo lagu dhisayo awodda ciidan ee dowlad kasta lana adeegsanayo walxaha lagu qiimeeyo awoodda iyo kartida ciidanka sida

  1. Fulinta iyo guulaha uu ka gaaro howlgalka
  2. Kartida iyo awoodda ciidan ee uu leeyahay
  3. Farsamada sameynta diyaaradaha iyo Gaadiidka dagaalka
  4. Kooxaha Ciidanka badda.
  5. Ciidamada keydka ee tababaran6.
  6. Ilha dhaqaale ee ciidanku leeyahay
  7. Kheyraadka dadeed ee uu haysto

Taxa sida ay u kala horreeyaan 12 ciidan ee sanadka 2018 ugu awoodda badan adduunka

Isha:Global Firepower + Aljazeera
W/T Axmed C. Guutaale, Mustaqbal Radio