185 milyan oo dollar oo la siinayo Soomaaliya oo la ansixiyey iyo shacab heli doona

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 185 milyan oo dollar oo la siinayo Soomaaliya, ayada oo la marinayo dowladda federaalka,  lacagtaas oo badankeed ay heli doonaan dadka tabaaleysan ee dalka, .

Mashruuca Baxnaano ee uu horey u ansixiyey Bankiga Adduunka ee lagu taageero dadka saboolka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu kordhin doonaa taageero 110 milyan oo dollar ah, taasi oo dheeri ku noqon doonta 65 milyan oo dollar oo la ansixiyey bishii August ee 2019.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka, ujeedka ayaa ah in lasii wado dadaallada ay Soomaaliya ku maal-gelineyso horumarinta raasumaalka aadanaha ee dadkeeda ugu baylahan.

“Taageeradeena mashruuca shabakadda badbaadada ee Baxnaano waxay dhameystiraysaa faro-gelinta aadannimo ee lagu dhisayo adkeysiga dadka saboolka ah ee miyiga ku nool,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah maamulaha Bankiga Adduunka ee qeybta Soomaaliya.

“Tani waxay gacan ka gaysaneysaa in la yareeyo kasoo barakaca miyiga xilliyada ay jiraan xasaradaha, taasi oo la filayo inay qafiifiso culeyska kaalmada bani’aadannimo ee xilliyada soke iyo kuwa fog,” ayey tiri. 

Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa ka faa’iideysta 200,000 oo ah qoysas sabool ah oo ay u joogaan caruur da’dooda ay ka yar tahay shan jirka, kuwaasi oo bil walba hela 20 dollar qoyskiiba, si gacan looga siiyo inay helaan cunno, daryeel caafimaad iyo waxbarasho. 

Ka sokow 185-ka milyan ee loogu talo-galay barnaamijka Baxnaano, Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 75 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo lagu kordhiyey 40 milyan oo la meel-mariyey bishii June 2020 oo lagu taageerayo Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo jawaabaha ay ka bixineyso dhibaatada ka dhalatay ayaxa ku habsaday.

Sida lagu sheegay bayaanka Bankiga Adduunka, ujeedada guud ee mashruucan ayaa ah in la ilaaliyo amniga cunada iyo nolosha dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay ayaxa.

Lacagta loogu talo-galay jawaabaha laga bixinyo dhibaatada ayaxa ayaa waxaa la siin doonaa 150,000 oo qoys, kuwaas oo bil walba heli doona 60 dollar, qoyskiiba.