3 ka mid ah 12-ka qodob ee maamul goboleedyada ay dalbadeen oo muujinaya is-dhiibid

Sida ay shaaciyeen gudigii uu Aqalka Sare u xil saaray xalinta khilaafkii u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa la dhammeeyey khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac. Inkastoo labada dhinac aysan weli war kasoo saarin.

Arrinta ayaa ku soo aadeysa xilli ku dhawaad sanad uu muran weyn u dhexeeyey dolwadda dhexe iyo maamulada oo xataa gaaray in uu meesha ka boxo wada shaqeyntii u dhexeeysay.

Maamulada waxa ay sameysteen gole iskaashi iyo guddoomiye metala, hase ahaatee waxaa ka baxay laba ka mid ah kuwii sameeyey golaha sida Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xassan oo ay dowladda ka taqalustay.

Sida uu warbaahinta la wadaagay Fareelo oo ah Senator loona igmaday In uu hoggaamiyo gudigii Aqalka ee u kala dabqaadayey labada dhinac, maamulada waxa ay si guud oo cabasho ah u soo gudbeen sideed qodob halka mid walba gaar kuwo isaga u gooni ah soo bandhigay oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe.

Hase ahaatee, dhammaan qodobada ay soo bandhigeen, marka si qotodheer loo qiimeeyo, waxaa soo baxeysa in maamulada aysan la gole imaan wax lagu qanco ilaa ay ka gaadhay ‘Wax aad sheegto ha waayin”, oo ay is-dhiibeen.

Aan is dul taagno qodobadii ugu diciifsanaa ee ay la gole yimaadeen maamulada

1 – Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

Haddii aad qodobkan is dul taagto waxaa ku soo baxaya in maamulada aysan ahayn kuwo waaqici ah ama xushmeynaya garaadka bulshada Soomaaliyeed, waayo, waxaa marag ma doonta ah in xukumadda hadda jirta tahay tii ugu horreeysay oo ahmiyadda kowaad siisa dib u dhisidda ciidamada qalabka sida, sirdoonka iyo Booliska.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhisay gudiga Amniga Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Maamul Gobolleedyada, guddigaas waxaa la’isla meel dhigay qodobo badan oo wax ku ool Qaranka u ahaa, hase ahaatee, khilaafkii ay dhaliyeen Maamulada ayaa hakad galiyey.

Ma ahayn qodob mudnaa in ay la horyimaadaan bulshada Soomaaliyeed! Waxaa sidoo kale xusid mudan, in mucaaradka, gaar ahaan xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah kuwa u durbaan tumayey Maamulada uu dowladda Farmaajo ku eedeeyey in ay xoogga saartay dhisidda ciidamada taasna tahay tusaale kalitalisnimo! Ogow, waa markii ugu horreeysay 27 sano kaddib oo ay ciidamada mushaar toos ah qaataan.

2 – Ka heshiinta qaabka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

Lagama heshiin nidaamka doorasho!? Waa qodob mudan in lagu qoslo! maxaa laga heshiiyey kulankii ugu dambeeyey ee ay dowladda iyo dowlad gobolleedyada ku yeesheen Baydhabo? Miyaan laga heshiin In 2021 nooca doorasho ay noqoto MID XIRAN (Proportional representation)? Haddii aan la’isku waafaqinse, maxay shirkii Baydhabo loogu xusi waayey in aan lagu heshiin ama ay bulshada ugu sheegi waayeen?

Dhammaan su’aalahaas waxa ay jawaab uga baahin yihiin hoggaamiyeyaasha hadda ku haray maamulada ee ka tirsanaa Golihii Iskaashiga Maamulada!

3 – Faragelin la’aanta doorashooyinka maamullada iyo kuwa dowladda dhexe

Halkee ayey dowladda farogelineysaa? Djibouti, Kenya mise Uganda? Dowladda Federal-ka ah iyada ayaa u leh awood dastuuri ah in ay korjoogteyn ku sameyso dhaq dhaqaaqyada maamulada hoos yimaada marka laga soo tago afarta waaxood ee ay iyada kaliga ku tahay.

Dabcan, dareenka iyo rabitaanka shacabka, dowladda dhexe kama hor imaan karto laakiin waa haddii ay ku qanacsan yihiin! Shariif Xassan, Madoobe iyo Gaas midna shacabkiisu marabaan mana ah kuwo lagu kalsoonaan karo in ay ridaan doorasho daahfuran! Waa waajib saaran dowladda in ay farogaliso si loo adkeeyo xasilloonida dalka oo dhan.

Dhammaan qodobada kale marka aad si dheer u qiimeyso waxaad ogaaneysaa in hoggaamyeyaasha hadda ku haray maamulada u muuqdaan kuwo taagnaa “Mar Yaa Naga Dhammeeya Khilaafka”, oo isa soo dhiibay.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid