4 arrin oo dhici doono haddii ganacsatada Muqdisho ay lacagta ka joojiyaan Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya waxay malaayiin dollar oo lacag ah bishii ka heshaa ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Lacagtaan waa sababta ugu weyn ee kooxda weli u jirto dilalka iyo dagaalkana usii wado.

Lacagahaas dadka lagu dilay waxaa kamid ah isla kuwii bixiyey ama ehelkooda. Hadda waxaa socda dagaal dhowr waji leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah dagaaladaan waa in dhaqaale ahaan loo wiiqo kooxdaan. Haddaba warbixintaan waxaan ku eegeynaa waxa dhici kara haddii ay ganacsatada magaalada Muqdisho joojiyaan lacagaha ay siiyaan kooxda Al-Shabaab.

1- Naf badbaadin

Haddii ganacsatada reer Muqdsho joojiyaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab waxa ay badbaadineysaa naftooda midda ehelkooda iyo midda bulshada kale ee magaalada.

Lacagaha ay bixiyaan ganacsatadaan waxaa lagu iibiyaa hubka lagu gubo caasimadda, waxaa mushaar loo siiyaa dagaalamayaasha, waxaana lagu fuliyaa qaraxyada.

2- Siima noolaan karto kooxda

Al-Shabaab waxay sii jirayaan inta ay lacag heli karaan. Haddii ay lacag waayaan masii jiri doonaan sida ay sheegayaan qubarada amniga. Al-Shabaab hadda waxay ku jiraan kooxaha ugu dhaqaalaha badan ururada argagixisada adduunka.

Waxaa jiro warar sheegaya inay xataa lacag u diraan ururo kale oo argagixiso oo dibadda ah sida Bokka Haram. Haddii ay ganacsatada Muqdisho joojiyaan lacagaha gaaray in xitaa dalal kale oo dibadda ah dhibaato looga geysto masii jiri karto kooxda.

3- Badbaado dhaqaale

Ganacsatada Muqdisho waxaa canshuur ka qaada Dowladda federaalka ah waxaana lacago qasab ah ka qaada Al-Shabaab iyo Daacish. Haddii ay joojiyaan lacagaha sharci darada ah oo ay siinayaan kooxaha argagixisada ah waxaa u haraya dhaqaale badan oo ay ku hormarin karaan ganacsiyadooda.

4- Nabadda dalka

Ganacsatada mas’uuliyad ayaa ka saaran xasiloonida dalka, lacagaha ay hadda Daacish iyo Al-Shabaab siiyaan waxay qeyb ka qaataan amni darada dalka balse haddii ay joojiyaan dalku wiuxuu aadayaa dhanka nabadda horumarka, waxaana imaanaaya fursado maalgashi oo caalami ah.

Lacagaha ay kooxdaan ka qaado ganacsatada magaalada Muqdisho malahan badbaado, marar badan ayey dhacday inay kooxda dishay isla dadkii lacagta siin jiray ha noqoto inay ku dishay qarax ay ka fuliyeen goob ama dil ku talagal ah oo la xiriira muran maaliyadeed.

Is dilid aadan ogeyn waa lacagtaadii oo aad Al-Shabaab siiso si ay hub ugu soo gataan kadibna ugu dilaan dad aad ku jirtid isla adigii lacagta bixiyey. Haddii ay maanta ganacsatada joojiyaan lacagaha ay siiyaan kooxdaan waxaa laga yaabaa inay beegsi ku bilaabaan laakiin uma cimri dheeraan karaan sida hadda taagan mar walbana lacagataas badbaado ma wadan.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa hadda lasoo warinayaa in wajiga labaad ee dagaalka ay Al-Shabaab ku qaadeyso inuu yahay in la joojiyo dadka dhaqaale ahaan u taageera kooxda ha noqdaan kuwa jaceyl u siiya lacagta ama kuwa la qasbo.

Haddii ay dowladda federaalka ku guuleysato inay joojiso lacagahaan la siiyo kooxda Al-Shabaab waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo dhanka horumarka loo qaaday iyo jab weyn oo soo gaaray kooxda soona dadajin kara inuu dagaalku soo gaabto oo lasoo afjaro kooxda.