5 dalab oo xasaasi ah oo horseedi kara in shirka Afisyoone uu fashil ku dhammaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad hakad ku jira shirka looga hadlayo ajendaha shrika arrimaha doorashada Soomaaliya una dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ee teendhada Afisyoon. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeya in Villa Somalia ay diiday shan qodob oo ay soo jeediyeen maamulada Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin, kuwaas oo kala ah:-

1- In la ballaariyo shirka oo laga qeybgeliyo mucaaradka si loo qaato go’aan kama dambeys ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya. 

2- In laga doodo mudddo xileedka hay’adaha dowladda ee dhamaaday si gaar ah madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Si gara ah in Madaxweynaha Soomaaliya qoro warqad uu ku cadeynayo in uusan aheyn Madaxweyne islamarkaana ka dhamaaday muddo xileedkiisa, oo uu yahay kaliya sii-hayaha xilka madaxweynaha.

3- In laga wada hadlo arrimihii dhacay 19-kii Feberaayo 2021, kuwaas oo ahaa weeraradii loo geestay mucaaradka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale diidmada Farmaajo ku raacsan Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor.

4- In laga hadlo amniga doorashada iyo cidda sugeysa maadaama qaar ka mid ah ciidamada qaranka lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen weeraradii mucaaradka. 

5- In xilalka laga qaado taliyaasha ciidamada qaarkood, kuwaas oo la sheegay in ay door ku lahaayeen qalalaaso ka dhacay Muqdisho, si gaar ah ah taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasin, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dowladda.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia diidan tahay in qodobadaan ka tanaasusho halka dhinacyada kalane ay diideen in ay ka tanaasulaan, taasi oo xaaladda ka dhigeysa mdi is-mari waa ah.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka Soomaaliya waxaase la aaminsan yahay in sababahan dartood uu shirku guul darro ku dhamaan doono.