Ashley Cole oo dhamaadka xilli ciyaareedkan ka tegaaya kooxda Chelsea + Sababta.

Ashley Cole ayaa diyaar u ah inuu ka tago Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii la isku afgaran waayey wadahadalo uu qandaraaska ku kordhin lahaa.

Cole ayaa diiday inuu saxiixo hal sano oo uu qandaraaska ugu kordhinaayo Blues wuxuuna isku diyaarinayaa inuu bisha Janaayo ee sanada cusub la hadlo kooxo shisheeye ah, oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Daafaca bidix ee u dashay dalka England ayaa ka mid ah xulka Roy Hodgson ee kulan isreeb-reebka koobka aduunka ee 2014 la ciyaaraya xulka Poland habeenka talaadada, siyaasada cusub ee Chelsea ayaana Cole u diideysa inaan la siin wax ka badan qanadaraas sanad ah maadaama uu ka weyn yahay da’da 30 jirka.

Hadii Cole oo 31 jir ah iyo Frank Lampard oo 34 jir ah kaasoo sidoo kale qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, ay ka tagaan Stamford Bridge, taasi waxaa loo arki doonaa muuqaal ah in Roman Abramovich uu kala jebiyey kooxdii kusoo guuleysatay Champions League. Wuxuuna ninka u dhashay dalka Ruusha u sheegay ciyaartoydiisa inay mas’uuliyad isi saaraan ka hor inta uusan bishii March ee sanadii hore shaqada ka raacdeyn Andre Villas-Boas, markaasoo ay Chelsea hanatay FA Cup iyo Uefa Champions League.

Cole, waxaa si gaar ah isha ugu haaya qabiirka hugaamiya kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson, kaasoo diyaar u ah inuu xidigaan ciyaaray 188 kulan ee Horyaalka ah uu ciyaarsiiyo wax ka badan 235 kulan oo Barclays Premier League ah hadii uu kusoo biiro Old Trafford.