Aadan Madoobe oo ka digay dhallinyaro Soomaali ah oo matoor kale uu saaran yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo ka qeybgalayey kulan looga hadlayey xuquuqda aadanaha oo ay soo agaasintay wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay dalka ku cayaarayaan dhallinyaro fikir kale xambaarsan.

“ Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saartay sidii ay u ilaalin laheyd xuquuqda aadanaha, dastuurkana qodobadiisa koowaad wuxuu ka hadlayaa ilaalinta xuquuqda dadka, balse mar kasta dalka waxaa ka dhaca tacadiyo dhexdeena ah” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa hadalkiisa kusii daray “ Waxaa jiro dhibaatooyin ay tahay inay beesha caalamka gacan ka geysato, Dad dhallinyaro ah oo jinsiyadda markaa fiiriso Soomaali ah balse fikiro kale lasoo saaray ayaa ummaddii ku cayaarayo”.

Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay Soomaaliya lagu laayey haween iyo carruur badan taasina ay ka dhalatay dhallinyaro fikrado kale xambaarsan oo dalka yimid.

“ Dadkaas dhibaatada nagu hayo waa in umadda dhan aysan u kala harin, sidoo kalana ay beesha caalamka gacan naga siiso si waxaan dalka looga tirtiro” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii aan sharci adag laga soo saarin dhallinyaradaas aysan suuragal aheyn in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

“ Qof maalin kasta naxdin iyo cabsi ku nool oo is leh caawa miyaa lagu dilayaa mise berri, waxaa caddeyn kuugu filan Soomaalida kan faasiqa ah xataa wuu ixtiraamaa masaajida, balse dhallinyaradaan fikradaha kale xambaarsan waxay dilayaan dadka masaajida u socda,” ayuu yiri mar kale.

Hadalka guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku soo aadayo xilli uu dalka ka dilaacay kacdoon looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilowday gobolo kamid ah Soomaaliya.