Adan Madoobe oo si kulul uga hadlay rabshado mag. Baydhabo ka dhacay

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa si kulul uga hadlay rabshado ay dad ku dhinteyn oo shaley ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Aadan Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaalita ay wado caburin ay ku heyso dadka ku dhaqan gobalada uu ka arrimiyo maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay oo kale in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda oo ku sugan Baydhabo ay ka dambeeyeen in dad shacab ah rasaas lagu furo kuwaasoo muujinayay dareenkooda maalintii shaley.

“Dowladda waxay wado lama aqbali karo ma ahan in dadka laga hor istaago dareenkooda” ayuu yiri Sheekh Aadan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe iyo xildhibaanno kale oo ka soo jeeda gobalka Baay ayaa taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo u jeedkooda uu yahay siddii ay maamul gobaleed ka kooban seddax gobal ay ugu sameyn lahaayeen gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa taageersan maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed oo ah maamul kumeel gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com