“Jawaari oo afduubtay sharcigii dalka SOMALIA”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maxkamada sare ee dalka ay dhinac ka tahay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa arrintaasi goordhow ka hadlay Abuukaate Cali Xalane.

Abuukaate Cali Xalane, ayaa sheegay in sharci ahaan xiliga la joogo Maxkamada sare ee dalka ay u dhiganto Maxkamada Dastuuriga islamarkaana awood u leedahay inay wax ka bedesho Mooshinka taagan.

Waxa uu sheegay in Maxkamada sare ay awood u leedahay inay xukmiso Madaxweyne Xassan oo laga keenay Mooshinka iyo Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay.

Abuukaate Cali Xalane waxa uu tilmaamay in haddii Xildhibaanadu diiden inuu dhex dhexaadiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa geeyay Mooshinka lagu xafidaayo Madaxweynaha ay qaraar ka qaadankarto Maxkamada sare ee dalka, waa haddii la maro sharciga.

Wuxuu carabaabay in waxa laga keenay Madaxweynaha lagu tilaamo Mooshin ee aan gudaha loo galin arimaha lagu eedeeyay sida qiyaano qaran, loona baahan yahay in Maxkamadu ay dhinacyo fog ka eegto, iyada oo dhex dhexaad ka ah arrinta taagan.

Sidoo kale, Abuukaate Cali Xalane waxa uu sheegay in marka la eego sharciga Mooshinka uu yahay mid xaq ah balse Gudoonka sare ee BF Somalia ay ka meer meerayaan xaqiiqda jirto.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka warqadihii dhawaan uu soo saaray ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn loona baahan yahay in wax waliba oo la xiriira Mooshinka uu cadaalad u maamulo.

Abuukaate Cali Xalane oo ah Qareen ka soo shaqeeyay Maxkamad ku taala Magaalada Toronto ee Dalka Canada, ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu baaqay in waxqabadkiisa uu cadaalada ku saleeyo islamarkaana wixii sharci ah uusan ugu eexan cid gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com