Abwaan Hadraawi oo maanta ku geeriyooday Hargeysa – Taariikhdiisa oo kooban

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna xaqiijiyey geerida Abwaan Hadraawi, ayaa Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida marxuumka.

Allaha u naxariistee waxaa sidoo kale geerida ku timid Abwaanka ka tacsiyeeyey madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.

Hadraawi wuxuu ku dhashay magaallo madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadki 1943kii, wuxuuna ka mid ahaa hal abuurrada ugu muuqa dheer gayiga Soomaaliyeed.

Haddaba, hoos ka aqriso taariikhda AUN Abwaan Hadraawi

Maxamed Ibraahim Hadraawi waxaa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 1943-dii, yaraantiisa waxaa muddo magaalada Cadan kula noolaa adeerkii halkaas uu wax ku bartay, waxaa uuna ku caanbaxay sheekooyinka, gabayada, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee maansada.

Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu xamarkaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho.

Hadwaari, waxaa uu wax ku bartay jaamacadda umadda Soomaaliyeed bilowgii 70-meeyadii, mudddaasi waxaa uu kusoo caanbaxay gabayada, heesaha iyo sheekooyinka ka bixi jiray Radio Muqdisho.

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “Hadimo” hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaaliya.

Hadraawi waxaa uu hormuud ka ahaa gabayo sida Siinleyda, taas oo keentay in maamulka Siyaad Barre ku arko mid khatar ah, oo kacaandiid ah, natiijadana ay noqoto in la xiro inta u dhaxeysay 1973 ilaa 1978.

Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e “Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

Bilowgii 80-meeyadii waxaa uu ku biiray  jabhadda fadhigeedu ahaa London ee SNM, waxaa uuna u baxsaday Itoobiya, isaga oo qeyb ka ahaa halgankii looga soo horjeeday keligii taliye Siyaad Barre, dagaaladdii kadib waxaa uu degay London.

Hadraawi, waxaa keyda idaacadaha ugu jira heeso badan sida:

1-Heesta Hooyooy La’aantaa.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray.

3 Heesta Baladweyn.

4 Heesta Garmaqaate

5 Heesta Suleekha

Heesahaasi waxaa qaaday:

1-Heesta hooyooy la’aantaa, Maxamed Saleebaan Tubeec.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray, Xaliima Khaliif Cumar Magool.

3 Heesta Baladweyn, Xasan Aadan Samatar

4  Garmaqaate , Maxamed Nuur Gariig iyo Farxiyo Cali.

5 Heesta Suleekha, Maxamed Nuur Gariig

Inkasta oo meelo badan oo dunida u tagay safarro la xiriira gabayo, hadana waxaa uu sanadihii dambe kusoo noqday, oo uu deganaa Somaliland halkaas oo uu maanta ku geeriyooday, waxaana muddooyinkii dambe uu ahaa dhulyaal isaga oo xanuunku dhul udhigay maantana uu geeriyooday.

W/Q: Cabdicasiis Axmed Gurbiye