AC Milan oo bedelka Allegri u aragtay Frank Rijkaard, xilli wadahadalada la isku afgartay.

Waxaa soo baxaaya warar sheegay in horay la isugu afgartay in Frank Rijkaard uu xilka tababarenimo ee AC Milan ka bedelo Massimiliano Allegri.

Rossoneri ayaa ku jirta xaaladii ugu xumeyd ka dib markii ay xalay guul darro kasoo gaartay Malaga kulan ka tirsan Champions League, taas micnaheeda ayaana ah inay soo xareyso guul darradeedii lixaad 11 kulan oo caalami ah xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha ayaa qirtay inuu doonayo inuu kooxda baaqi kusii ahaado kooxda markii wax laga weydiiyey hadii uu kulanka Sabtida wajihi doono Genoa, wuxuu ku jawaabay: “Waa inaad kooxda weydiisaa. “Isma casili doono, taasna ma ahan hanaankeyga.”

Madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani oo saxaafada la hadlay ka dib guul darradii kasoo gaartay Malaga ayaan waxba ka dhihin arinka: “Waan ogahay in had iyo jeer la I weydiinaayo hal shey. Anigu ma bedelaayo.”

Waxaa lasoo sheegayaa inay sidoo kale macquul tahay in shaqadaan uu qabto ku xigeenka tababaraha Mauro Tassotti waase hadii shaqada laga raacdeeyo Allegri.

Si kastaba, 7Gold ayaa tebinaaya in qandaraaska tababarihii hore ee Holland Rijkaard la isku afgartay.

Frank ayaa usoo ciyaaray Milan, xiligii uu tababaraha u ahaa Arrigo Sacchi 1980-meeyadii, markaasoo ay Milan aduunka wacdaro ka dhigtay.

Si kataba ha ahaatee, Rijkaard ayaa qandaraas kula jira xulka Sucuudiga wuxuuna u yahay tababare.

Wuxuu soo leyliyey Holland, Sparta Rotterdam, Barcelona iyo Galatasaray.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.