Adel Taarabt oo sheegay inuu ku wajahan yahay AC Milan.

Kubad Sameeyaha Muslimka ah ee kooxda Queen Park Rangers Adel Taarabt ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalo sida macquulka ah uu ugu dhaaqaaqayo AC Milan uu kulan jiro, xilli kooxda San Siro ay dooneyso inay dib u dhis weyn isku sameyso.

Xidiga dalka Morocco ayaa sheegay in wakiilkiisu uu wadahadalo magaalada Milano kula jiro Madaxweyne ku xigeenka kooxdasa Adriano Galliani, xidigaan ayaana horaan iska diiday inuu ku biiro kooxo Premier League ah ama Real Madrid ama Barcelona midkoodna.

Taarabt ayaa xiligaan fure u ah kooxda QPR xilli uu gaarsiiyey guusoodii ugu horeyay ee Premier League xilli ciyaareedkaan kulan ay hornaantii bisha tan wajheen kooxda Fulham, wuxuuna dhaliyey labada gool ee kooxdiisu ay ku badisay, bandhigiisa ayaana xidigaan ka dhigaya inuu ka ciyaaro meel ka baxsan London.

Taarabt ayaa u sheegay wargeyska kasoo baxa Talyaniga ee Gazzetta dello Sport: “Waan diidi lahaa dalabyo iiga yimaada kooxaha waa weyn ee Ingiriiska hadii ay Milan isoo dalban laheyd.

“Wakiilkeyga ayaa wadahal kula jira Galliani, laakiin waxay ku xiran tahay xaalka Robinho iyadoo lasoo warinaayo inay Milan diirada saareyso Javier Pastore.

“Milan hada maahan koox waqti fiican ku jirta, kamana mid ahan kooxaha sar sare.

“Si kastaba, hadii aan ku biiro Milan markaas waxaan ku daah furan lahaa kooxo waa weyn sida Real Madrid iyo Barcelona.”

Taarabt ayaa la aaminsan yahay inuu guulo ku gaari karo kooxda Talyaaniga ka dhisan, sida saaxiibkiis ay horay ugu soo wada ciyaareen Tottenham ee Kevin-Prince Boateng.