Afar qodob oo madaxweyne Xasan Sheekh uu caalamka hordhigay khudbaddii QM

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal dhinacyo badan taabtay ka jeediyey meertada 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Madaxda ay dalalkooda argagixisadu aafeysay sida Xasan Sheekh Maxamuud muhiim ayey kalmadooda u aheyd shirka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku dul istaagay afar dhinac oo muhiim ah.

1- Xanuunka COVID-19

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in xanuunka COVID-19 uu muujiyey sida aysan dunida ugu diyaarsaneyn ka jawaabista deg degta ah ee xaaladaha waaweyn. Madaxweynaha wuxuu muujiyey sida uu xanuunkaas u naafeeyey dalalka soo koraya.

Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka uu cudurkaas dadka badan ka laayey laakiin aan deg deg ah u helin jawaabaha. Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in COVID-19 laga bartay baahida loo qabo jawaab wadajir ah marka ay xaalado waaweyn yimaadeen.

Dalal badan ayaan weli kasoo kaban khasaarihii kasoo gaaray xanuunkaan ee xagga dhaqaalaha kuwaas oo ugu badan dalalka ku yaalo qaaradda Afrika.

2- Isbadalka cimilada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dheeraaday ka hadalka isbadalka cimilada adduunka iyo dhibaatada ay ku heyso dalalka soo koraya, wuxuu sheegay in dowladiisu ay ahmiyad siisay arrinta deegaanka iyo cimilada oo ay dhiseen wasaarad arrimahaas u gaar ah.

Wuxuu dalbaday in garab lagu siiyo Soomaaliya xal u helidda dhibaatada deegaanka iyo cimilada oo hadda ah mid kamid ah waxyaabaha ugu badan ee uu adduunka dhaqaalaha ku bixiyo.

3- Abaarta

Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh ee shirka Qaramada Midoobay wuxuu kusoo hadal qaaday xaaladda abaarta ee Soomaaliya. Inuu dalkaan ku yaalla Geeska Afrika uu wajahayo waqti adag oo abaar ah, inuu bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogta iyo ganacsatada kala hadlay inay kala shaqeeyaan inaysan abaarta isku badalin macluul ayaa ku jirtay khudbadda madaxweynaha.

Wuxuu dalbaday kaalmo dheeri ah si ay dowladiisa ugu guuleysato wax ka qabashada abaarta. Dhibaatada argagixisada ayuu madaxweynuhu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabaha kordhiyey abaarta iyo dhaqaale xumada.

4- Dagaalka Al-Shabaab

Qodobkii ugu muhiimsanaa hadalka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee  Al-Shabaab iyo Daacish.

Xasan Sheekh waxa uu xusay inay kooxdaan dhibaato badan ka geysatay Soomaaliya haddana ay bilaabeen inay ceelashii ka duugaan shacabka iyo inay dadkii iska laayaan taasina ay qasab ka dhigtay inay dowladiisu jawaab deg deg ah bixiso.

Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed go’aansadeen inay dowladda ku garab siiyaan dagaalka argagixisada taas oo uu sheegay inay saamixi doonto in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha wuxuu u muuqday nin taageero u raadinayo mashruuca lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

Nuxurka khudbadda madaxweyne Xasan Shiikh waxay aheyd n dagaalka Al-Shabaab, abaarta iyo isbadalka cimilada in lagu garab siiyo Soomaaliya.