Agaasime Cabdinuur oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka fal celiyay qoraal ay warbaahinta iyo baraha bulshada qaarkood lagu baahiyay, kaasoo lagu sheegay in Villa Somalia ay u dabaal degtay tallaabada uu qaaday madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ee uu xilka kula wareegay.

Agaasime Cabdinuur ayaa qoraaladaasi iyo eedeyntaba ku tilmaamay kuwo been abuur ah, islamarkaana loogu adeegayo caddowga shisheeyaha sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyay “xarun uu leeyahay Faroole oo ay maamusha Sahan inay faafineyso dacaayado been abuur ah.”

Cabdinuur ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed ugu digayo xarumahaasi baahinaya “wararka been abuurka ah ee shisheeyaha ay gadaal ka riixayaan”sida uu hadalka u dhigay, isagoona ugu baaqay inay ka xishoodaan waxyaabaha ay baahinayaan.

Taageerayaasha Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo isaga oo aan xilka wareejin Muqdisho ugu sugan ololaha doorashada uu ku doonayo xilka Madaxweynenimo ee dalka, ayaa u arka Villa Somalia inay taageereyso ololaha siyaasadeed ee reer Puntland ku wadaan Saciid Deni.

Villa Somalia ayaa horey loogu eedeeyey khilafyo siyaasadeed oo ka dhacay Puntland, kuwaas oo ka mid aheyd tii xilka looga qaaday afhayeenkii hore ee baarlamanka maamulkaas.