Ahlu-Sunna oo u digtay Beesha caalamka iyo madaxda Madasha

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee magaalada Dhuusomareeb ayaa looga hadlay shirarkii madaxda madasha wadatashiga ee kusoo dhamaaday Magaalada Baydhabo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay iney dhaliilayaan shirkii madasha wadatashiga qaran ee kusoo dhamaaday magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegeen in siyaasiyiin gar ah ay ku takri falayaal siyaasada Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay kaga digayaan in dhaqaalo ku bixiso meel aan aheyn Dhuusomareeb oo lagu qabtaa doorashada xulista xildhibaanada.

Waxaa Ahlu sunna ay sheegtay in magaalada Dhuusomareeb tahay meel nabdoon, laakiin siyaasiyiin qaar ay doonayaan in doorashada laga wareejiyaa lana geeyaa magaalada Cadaado.

“Waxaan uga digeynaa beesha caalamka iney Taageero iyo dhaqaalo aysan ku bixin doorashada in lagu qabto meel aan aheyn magaalada Dhuusomareeb oo ah magaalo nabdoon, waan ognahay dad ayaa doonaya in magaalo kale doorashada loo weeciyaa”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ahlu sunna ayaa maamusha magaalooyin ku yaala gobolka Galgaduud oo kamid ah deegaanada Galmudug lagu dhisay, waxayna ku sugan yihiin caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb.

Caasimada Online
xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com