Ahlu-Sunna oo xireysa Guuleed iyo Wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Ururka Ahlu sunna ayaa ku hanjabay iney xabsi dhigi doonaan masuul kastaa oo ka tirsan maamulka Galmudug haddii uu booqasho ku tago deegaanada uu ka arimiyo maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe Xasan Maxamuud Warsame “Gaboobe”, ayaa sheegay ineysan aqbali Karin in masuul ka tirsan maamulka Galmudug uu tago deegaanada ay maamulaan.

Sidoo kale Gaboobe, ayaa sheegay ineysan aqbalsaneyn maamulka Galmudug iyo golaha wasiirada cusub ee uu xalay soo dhisay madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Gaboobe, ayaa hal waddo oo kaliya ugu ogolaaday in masuuliyiinta Galmudug ku tagi karaan deegaanada ay ka arimayaan, waddadaasi oo uu ku sheegay iney tahay iney booqan karaan qoysaskooda iyo qaraabadooda, laakiin aysan siyaasad faraha la gali Karin.

Wuxuuna ku hanjabay in masul Galmudug ka tirsan uusan arimo siyaasadeed la tagi Karin deegaanada ay maamulaan.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa caqabad kale waxay kasoo wajaheysaa maamulka Ahlu sunna eek u sugan Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com