Ajaanib kamid ah raggii isku qarxiyay Raydable

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin goordhow kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in 6-dii ruux ee isku qarxisay deegaanka Raydable ay ku jireen Ragg Ajaanib ah.

Maamulka waxa uu sheegay in is qarxintaasi ay timid kadib markii Ciidamada maamulka ay heleen xogo muujineysa in ragaasi ay diyaarinayeen weeraro Ismiidaamin ah, sidaana ay Ciidamada ku fashiliyeen.

Xasan Cabdi Maxamed oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay in raggaasi ay ku jireen Ajaanib la doonaayay in loo adeegsado Xarumaha AMISOM, balse ay dhagartooda iyaga ku laabatay.

Wasiirka waxa uu sheegay in baaritaano lagu kala soocaayo Meydadka ay iminka hayaan, isaga oo sheegay in Saxaafada ay la wadaagi doonaan wixii kusoo kordho baaritaanka.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay inay jiraan rag kale oo iyaguna wado falal amni darro, balse ay Ciidamada amaanka ku howlanyihiin gacan ku dhigistooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com