Akhriso magacyada: Gaas oo magacaabey wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku-xigeeno

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa goor dhow Isku shaandheyn ku sameeyey xubnaha golaha Xukuumadiisa.

Hogaamiyaha ayaa isku bedelay Wasiirada qaar, waxaana sidoo kale uu magacaabay Wasiiru dowlayaal cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Hogaamiyaha Puntland kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Ku-xigeeno, ayaa u qorneyd:

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Cabdiweli Seed Cilmiloo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

2-Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuurloo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

3-Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

4-Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusufloo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

5-Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Cabdijamaal Cismaan, ilaa amar danbe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com