AKHRISO Qaabka Xubnaha Aqalka Sare loogu qeybiyay Beelaha dega Galmudug & Puntland

Cadaado (Caasimada Online)-Gudaha Asbuucaani ayaa lagu wadaa in Caasimadaha Gobolada dalka ay ka dhacaan doorashooyinka Xubnaha aqalka sare ee uu yeelan doono dalka oo ka kooban 54-Xubnood.

Madaxda DFS iyo Hogaamiyayaasha maamulada dalka ayaa si wada jir ah u kala qeybiyay Xubnahaasi, waxaana sidoo kale tiro ahaan usii kala qeybsaday Beelaha ku hoos nool maamuladaasi.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa iminka hirgaliyay hanaanka qeybsiga Aqalka Sare iyadoo ay qeybintaasi ku qanceen dhammaan Beelaha ku hoos nool labada maamul.

Xubnaha qaar ee lagu soo daray Aqalka Sare ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa wata Madaxweynayaasha labada maamul.

HOOS KA AKHRISO QAABKA BEELAHA GALMUDUG LOOGU QEYBIYAY XUBNAHA AQALKA SARE

1-Beesha Abgaal (1)

2-Beesha Murusade (1)

3-Beesha Habar-Gidir (2)

4-Beesha Duduble (1)

5-Besha Mareexaan (1)

6-Beesha Dir (1)

7-Beesha Madhibaan (1)

8-Beesha Shiikhaal (0)

HOOS KA AKHRISO QAABKA BEELAHA PUNTLAND DEGA LOOGU QEYBIYAY XUBNAHA AQALKA SARE

1-Beesha Majeerteen (6)

2-Beesha Dhulbahante (2)

3-Beesha Warsangali (1)

4-Beesha Axmed Harti Dishiisle (1)

5-Beesha C/raxmaan Harti kaski Qabe (0)

6-Beesha Leelkase (1)

7-Besha Mahdibaan (0)

8-Beesha Carab Saalax (0)

9-Beesha Awrtable (0)

FG:- Xubna qeybsiga Galmudug waxaa ku qaday Beesha Shiikhaal oo horay Xildhbaan ugu heshay Maamulka Galmudug, halka qeybsiga Puntland ay ku qadeen dhowr beel.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com