Akhriso: Qodobada uu xildhibaanka ka tirsan BFS ku weyn karo xubinnimadiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris.

Xeer ilaaliyaha ayaa labada Xildhibaan ku eedeeyay inay yihiin Qaran dumis, isla markaana dadaal xoogan ku bixinayaa sida Somalia ay u gali laheyd jawi burbur.

Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya.

Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo.

Haddaba Xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Somalia waxa uu leeyahay awoodo gaara oo xadidan, iyadoo talaabooyinka qaar uu yahay mid uu Xildhibaanka ku weynkaro xilka.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA UU XILDHIBAANKA KA TIRSAN BFS KU WEYN KARO XUBINNIMADIISA

Qodobka 59aad ee dastuurka waxaa ku qoran sababaha uu Xildhibaan ku lumin karo xubinnimada baarlamaanka federaalka ah

(1)         Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

(a)        Xubinta oo Geeriyoota

(b)       Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.

(c)        Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.

(d)       Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(e)        Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

(f)        Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

(2)         Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

(3)         Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.