AL-SHABAAB oo dilay 12 qof oo ceel qodayey kadibna meydadkooda gubay

Gariley (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii shalay ahaa dilay 12 qof oo ceel ka qodayey deegaan abaar xun ay ka taagan tahay oo ku yaalla gobolka Gedo, waxaa sidaas xaqiijiyey dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin. 

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Gariley ee koonfurta gobolka Gedo, halkaasi oo Al-Shabaab ay shaqaalaha ku weerareen goobtii ay ceelka ka qodayeen, ayaga oo kadibna gubay meydadkooda iyo qalabkii, sida uu sheegay Mahad Cabdi oo goobta tegay islamarkaana tiriyey meydadka.

Deegaankaas, gobolka Gedo iyo gobollo kale oo dalka ka mid ah ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu xumeyd ee Soomaaliya ka dhacda muddo 40 sano ah, sida ay sheegeen hay’adaha QM.

“Aad ayaan uga xumahay in Al-Shabaab ay dhib intaas le’eg noo gaysaneyso xilli ay na asiibtay abaar darran iyo biyo la’aan ka jirta deegaankeena, oo aynan dooneyn inaan biyo u raadsano 100km,” ayuu Mahad u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Maxamuud Cabdi Warsame, oo ah duqa magaalada Gariley, ayaa xaqiijiyey dhimashada dadkan, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale dileen lix Al-Shabaab ah. 

Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay gubay guryo, burburiyey ceelal islamarkaana gowracay dad rayid ah oo ku noolaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Weerarada noocan ah iyo canshuurta ay kooxda ka qaadeyso shacabka xilli ay jiraan abaaro darran ayaa ku qasbay shacabka inay hubka qaataan oo ay la-dagaalamaan kooxdan.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalkii socday toddobaadyadan ee ay qeybta ka yihiin Macawiisleyda.