Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah ku fulisay Anfac Xuseen Muxumed + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ah ku fuliyey haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidamada maaamulka HirShabelle ee ka howl-gala Xerada Lama-Galaay ee Beledweyne.

Fagaare ku yaalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay haweeneyda ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa ku eedeysay haweeneyda la toogtay inay ka tirsaneyd ciidanka milatariga, isla-markaana ay ka qeyb qaadatay dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan balse ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen xoogag ka tirsan kooxdaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Beledweyne iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan toogashada lagu fuliyey Anfax Xuseen Muxumed.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo xarumo muhiim ah sida maxkamado iyo saldhigyo ciidan.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya.