Al-Shabab oo weerar cusub ku qaaday LIYUU BOOLIS

Liyuu Boolis (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yeed oo katirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday xerada ciidamada Liyuu Boolis, balse aysan caddeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen gudaha xerada, islamarkaana ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Liyuu Boolis. Si kastaba ma jirto cid si madax banana u xaqiijin karta khasaaraha ay sheegteen Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Liyuu Boolis dhankooda ay madafaiic ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Yeed ee Gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Yeed ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku qaado Liyuu Boolis kadib dagaalkii xoogganaa ee labada dhinac xuduudda ku dhexmaray dabayaaqadi July iyo horraantii August.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo xoogga oo labada dhinac kala gaaray ayada oo mid walba uu sheegtay inuu ka kale ka dilay boqolaal askari, waxayna Al-Shabaab ku guuleystay inay dhowr boqol oo KM gudaha u gasho Itoobiya.