Alexandre Pato oo sheegay inuu aad ugu farax san yahay inuu kusoo laabto garoomada.

Alexandre Pato ayaa u riyaaqay kulankii xalay ay kooxdiisy guusha ka gaartay Genoa, wuxuuna ahaa kulankiisii ugu horeeyey ee uu ku bilowdo muddo sideed bilood ah.

Duck ayaa soo laabtay ka dib dhaawac uu ku dhibaatoonaayey oo muruqa ah wuxuuna ciyaaray 72 daqiiqo markii ay Milan 1-0 uga talaabsatay Genoa ciyaar ka dhacday San Siro.

“Mar kale ayaan soo noolaaday,” ayuu yiri isagoo dhoola cadeynaaya.

“Waan ciyaaray. Waan orday mana aana dareemin wax xanuun ah. Aad ayaan u farax sanahay.

“Waan jeclahay inaan ciyaaro aana  wax fiican sameeyo, sidaas darteed caawa waxay aheyd mid muhim ii ah. Waan awoodaayey inaan wax waliba sameeyo mana aanan dareemeyn xumad, sidaas oo ay tahay wax fiican ayaan dareemayaa.

“Nasiib xumo gool ma aanan dhalin, laakiin waxaan isku dayaayey inaan caawiyo asxaabta aan isku kooxda nahay. Waxaan rajeynayaa inaan dhowaan goolal dhaliyo. Waxaan ku rajo weyn nahay ciyaarta soo aadan.”

Milan ayaa goolkeeda guusha ka heshay Stephan El Shaarawy kaasoo sanad guuradiisii 20aad ee dhalashadiisa ugu dabaal degay guushii ay ka gaareen Genoa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.