Ameeriko oo isku haleynaya taageerada xildhibaanada is-beddel doonka

Muqdisho (Caasimada Online)– Murashax Maxamed Cali Neer “Ameeriko” ayaa saacadihii u danbeeyay xoojiyay ololahiisa doorashada madaxweyne, isagoo u muuqda murashax kalsooni badan ka haysta xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dooranaaya beri madaxweynaha afarta sano soo socota xilka hayn doona.

Ambassador Ameerika oo inta badan xildhibaanada isbadal doonka ee u badan dhalinyarada ka haysta taageerada ugu badan, waxayna xildhibaanada ku qiimeynayaan murashax Ameeriko waxqabadkiisa ee la arkay mudada 7 sano ee uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Kenya.

Ameeriko ayaa Wariyaheena Muqdisho wuxuu u sheegay in rajada uu ka qabo in tartanka doorasho ee beri dhici doona in ay tahay mid aad u sareysa.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Ameeriko uu ka mid noqon doono murashaxiinta wareega hore heli doona codod aan la dhayalsan karin, waxaana suuragal ah inuu wareega hore kusoo bixo.

Murashax Ameeriko ayaa hadda ku jira saacadihii ugu danbeeyay ee xod xodashada iyo kulamada gooni goonida uu la yeelanayo xildhibaanada iyo murashaxiinta.

Dhanka kale, Ameeriko wuxuu xalay ka mid ahaa murashaxiin heshiis ku gaaray in la taageero murashaxii ugu codka bato in la taageero.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com