AMISOM oo shaacisay go’aankeeda ku aadan 4.5

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayay oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaasi kulan uu albaabada u xiran yahay kula qaatay Taliyayaasha Ciidamada AMISOM kuwa ka howlgala Baydhaba iyo guud ahaan Gobolka Sh/Hoose.

Kulanka oo ahaa mid uu Taliyayaasha kaga dhageysanaayay aragtidooda in Somalia ay isku maamusho nidaamka 4.5, ayaa waxaa halkaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Taliyayaal ka tirsan Taliska AMISOM balse kasoo kala jeeda dhowr dal, waxa uuna codkoodu u batay inay taageersan yihiin 4.5.

Taliyayaasha kulanka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee ka howlgala magaalada Baydhaba waxa uuna cadeeyay in shaki uusan ku jirin inay taageersan yihiin in Somalia ay muddo 4 sano ah wax ku qeybsato nidaamkaasi.

Taliyayaasha oo taageero u muujiyay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kulankaasi ka shaaciyay in Somalia aysan wali gaarin heerkii ay isku maamuli laheyd, waxa ayna sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Michael Keating ugu baaqen in awooda ugu badan uu siiyo Dowlada Somalia si loo naxuusiyo tan maamulada dalka.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Michael Keating oo ay wehlinayeen Safiiro kale ayaa halkaasi ku diiwaan galiyay go’aanka AMISOM ee ku aadan in Somalia muddo 4 sano ah ay wax ku qeybsadaan 4.5.

Docda kale, Keating ayaa mudada uu shirka socday soo dhaweeyay go’aanka ay AMISOM ku taageertay 4.5, waxa uuna halkaasi isna ka sheegay inuu ka dharagsan yahay isku soo dhawaanshiyo la’aanta madaxda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com