Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyey + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ay xoojiyeen ammaanka magaalada Baydhabo oo haatan xarun ku meel gaar u ah maamulkaasi.

Ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo lagu sugayo amniga ka wada gudaha magaaladaasi oo uu dhaawaan ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wiil uu dhalay.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehlinayeen gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin, sarakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay kormeeray xaafado ka tirsan magaaladaasi, ayaga oo u kuur galiyey amniga.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale tegay fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo, ayaga oo faray inay xoojiyaan amniga magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay baaq u direen dadka shacabka ah oo ay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amniga darrada ah.

Baydhabo ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro ah oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

Sikastaba, Koonfur Galbeed ayaa wajaheyso xaaladdo amni iyo culeys ay ku heyso Al-Shabaab oo sidoo kale dhowaan qarax ku dilay guddoomiyihii Marka, Cabdullaahi Waafow.