Amxaarada dalka Itoobiya oo shaaciyey cidda ay la safan yihiin R/W Abiy iyo Tigrayga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqa Qaran ee Amxaarada Itoobiya, National Movement of Amhara (NAMA) ayaa la saftay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo ay ishayaan mucaaradka dalkaas, gaar ahaan qowmiyadda Tigrayga.

Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

NaMa ayaa sheegay inaysan xal ahayn in marka dowladda Abiy Ahmed waqtigeedu dhamaado bisha September la aas-aaso dowlad cusub oo KMG ah inta doorashooyinka dalka laga qabanayo, taasi oo mucaaradka ay dalbadeen.

NaMa ayaa sheegay in xalka ugu wanaagsan uu yahay in dowladda hadda jirta ay xukunka sii hayso, illaa doorahsooyinka xiga laga qabanayo, islamarkaana ay hogaamiso xilliga kala-guurka.

“In la eego danta fog ee dadka waa waxa ugu wanaagsan, intii la raadin lahaa dano siyaasadeed oo muddo gaaban ah, waxaana ku baaqeynaa wada-hadal, dhex-dhexaadin iyo dib u heshiiisin,” ayuu yiri Golaha NaMa, oo bayaan soo saaray.

NaMa ayaa ugu baaqay dowladda inay isku diyaariso inay difacado nabada iyo ammaanka dalka.

Nama ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ururka Tigrayga ee TPLF, oo ay ugu yeereen “xoogag laga guuleystay oo doonaya inay dib usoo celiyaan caburintii dadka.”

Amxaarada iyo Tigrayga Itoobiya ayaa aad isku neceb sababo la xiriira in Tigrayga oo uu hoggaaminayey Meles Zenawi ay xukunka ka tureen Mengistu Haile Mariam oo Amxaaro ahaa.