ANAGA IYO ERITREA: Eritrea abaal ma nagu leedahay? 

Dowladda Eritrea wax ay inoo fidisay gogol xili adduunka cid aqbalaysay aysan jirin iney soo dhaweeyaan firxadkii Maxaakiimta iyo dadka la fikirka ahaa ayadoo wali Itoobiya ay dagaalkii gumaadka ahaa ka waddo koonfurta Soomaaliya.

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee tagay Asmara ka hor shirkii weynaa ee ARS-ta ee lagu mideeyey Maxaakiimtii Islaamiga aheyd, Baarlamaankii xorta ahaa, Bulshada radyidka ah iyo qurba joogtii kasoo hor jeedday duulaanka Itoobiya.

Markii aan tagay Eritrea waxaan la kulmay wax aanan marnaba ka filaneyn, shacabka Eritrea iyo dowladduba waxey noosoo dhaweeyeen si aan la qiyaasi karin, heer kuwa kabaha caseeya Illaa maqaaxiyaha laga cunteeyo nalaga diiday inaan bixino wax qarash ah.

Markaan milicsado dadkaas duruufta ay ku noolaayeen iyo shaqo la aanta, gaajada iyo xiyiraadaha dhaqaale ee waagaas saarnaa iyo sida aan ugu nooleyn Eritrea waxaan soo xasuusan jiray, aayadda. ويؤثرون على أنفسهم ولو كان بهم خصاصة 

Waxaan daganeyn Hoteelo 5star ah, oo dhamaan adeegga nolosha, cuntada, dhardhaqidda iyo adeegga caafimaadkuba bilaash noo ahaa inkastoo qarashka aysan kaligood bixin jirin oo ilo kale oo dhaqaalo ay jireen, haddana waxaan aaminsanaa ineysan waxba naga hagran.

Sidaas oo ay tahay Eritrea waxaas oo wanaag ah oo ay inoo sameyneysay kama marneyn in ay doonayeen iney na jiheeyaan oo dagaalka naga wada dhexeeyey ee aan kula jirnay taliskii Tikreega ay sida ay iyagu rabeen aan u wajahno.

Waxaa kale oo jiray hagardaamooyin ay inoo maleegeen oo ay ka mid aheyd in aan lagasoo guurin Asmara, in aanan u madax bannaanaan arimaheenna gaarka ah sida in lala hishiiyo dowladdii xiligaa Tikreega dalka soo galisay, waxa ay si toos ah ula socdeen dhaqdhaqaaqeenna ayagoo dulmeerteynayay talaabo walba oo dhinacyadaas loo qaado.

Sidoo kale Dowladda Eritrea waxey qeyb weyn ku laheyd kala jabkii ARS-ta ayadoo ka hor timid cid walba oo ay u arkeysay iney hormuud u noqon kareen hishiis lala gaaro dhinacyada kale ee Soomaalida ah ee Xabashida la socday.

Waxaan u aheyn Maxbuus siyaasadeed oo aan tallaabo aysan raali ka aheyn qaadi karin, xataa dagaalka sida ayagu ay rabaan oo kaliya ayay dooneyeen inaan u dagaalanno, waxaan xaqiiqsannay in aysan xataa doneyn in ay nasiiyaan waxyaabo ay awoodeen xiligaa oo ay inagu taageeri kareen sida hubka lagula dagaalo Taanginyada.

Xafiiskii warfaafinta ee ARS-ta oo aan agaasime ka ahaa waxaan ka furannay wasaaradda warfaafinta dhexdeeda Idaacad afka Soomaaliga ku baxda oon ugu tala galnay inaan ku wacyi galino dadka kuna dhiiri galino muqaawamada, nasiib darro waxey ka xiyareen idaacaddu iney soo gaarto gudaha Soomaaliya gaar ahaan qeybihii Itoobiyaanku heystay, waxaana toos looga dhageysan jiray dhamaan wadamada dariska sida Kenya Itoobiya, Yemen, Jabuuti Soomaali galbeed.

Markii ARS-tu kala jabtay waxaa la isku dayay garabkii Jabuuti ma ahane garabkii kale ee ku haray Asmara in dalka ay kusoo laabtaan si ay usii wadaan dagaalka lagula jiray Itoobiyaanka, laakiin waa xayireen illaa markii dambe Sh Xasan Daahir si tariibin ah looga saaray Asmara oo Sudan lasoo marsiiyey.

Maanta Eritrea iyo Itoobiya waa isku dan waana hishiis, lagumana cabiri karo shalay markaan dagaalka ku wada jirnay oo maanta waxey fulineysaa danta Itoobiya ka badan teenna.

Waxaan aaminsanahay in sidii shalay ay doonayeen iney nooga faa’iideystaan anaggoo intaan ka tabar yar walibana aan isku daruuf nahay maantana ay daneynayaan intaas iyo in ka badan in danaha geeska afrika ay ka leeyihiin ayada iyo Itoobiya ay nagu fushadaan.

Dad badan ayaa si laab la kac ah oo qiiro iyo xamaasad leh uga fal-celiyey sawirka lasoo bandhigay markii ugu horeysay kadib booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ciidanka lagu sheegay 5000 ee lagu tababaray gudaha Eritrea oon wax macluumaad ah laga heysan tiradoodii hore, jirintaanka ciidankan, cidda bixisay dhaqaalaha ku baxay ciidankan 3 sano iyo hadafka laga lahaa toona.

Sida muuqata aadbaa loo qarinayay macluumaadka ciidankan ayagana waxaa laga xayiray dhamaan in ay la socdaan waxa ka jira dalka sidoo kale waalidoontood ayaan wax war iyo wacaal ah ka heynin halka loo qaaday carruurtooda, taas oo muujineysa in ay jiraan dano kale oo ku gadaaman in ay jiraan.

Waxaa looga fadhiyaa dowladda sida ay isaga xil saartay ka gun-gaarka ciidamadan in ay u xaqiijiso in ay dalka kusoo celiso, sidoo kalana hubiso badqabkooda caafimaad, jir iyo maskaxayin sidoo kalana baaritaan lagu sameeyo tacliintooda iyo waxa lagusoo leyliyay.

W/Q: Abdiqani Dahir Haashi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.