“Anigoo arkaya baa nolosha lagu gubay” + Cod

Darban (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhiya boobka iyo waxyeelada loo geysanaya Soomaalida ku dhaqan dalka Koofur Africa, gaar ahaan magaalada Darban oo Soomaali badan ganacsi ay ku leedahay.

Cumar Cali Cabdi, oo kamid ah Soomaalida ku ganacsata magaalada Darban ayaa sheegay in dhac baahsan lagula kacay dukaamo ay lahaayeen dhalinyaro Soomaali ah, ayna bilaabeen iney ka guuraan magaalada Darban.

Dhibaatada ayaa ah mid Soomaalida ay kala siman tahay ajaaniibta ku sugan magaalada Darban, waxaana mararka qaar nolosha lagu gubaa dad ajaaniib ah oo ku sugan magaaladaasi.

Cumar Cali, wuxuu sheegay in dukaamo badan oo Soomaali laheyd la dhacay qaarkoodna dab la qabad siiyay sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska K/Africa
Caasimada@live.com