Aqalka sare oo caddeeyey SABABTII keentay in uu baaqdo kalfadhiga 4-aad

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kalfadhiga 4aad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhiga Aqalka Hoose , kaasoo ay horyaalaan Ajandayaal kala duwan.

Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 54 xubin, ayaa wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse dhanka saameynta siyaasadda waxaa uga xoog badan gollaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com