DAAWO SAWIRRADA: Baydhaba oo yeelaneysa Ciidamo cusub & Shariif Xasan digniin jeediyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia, ayaa yeelanaaya Ciidamo Militeri ah oo ka duwan kuwa DF Somalia kuwaasi oo laga howlgalin doono Xarumaha ugu waaweyn Maamulka sida Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Maamulka.

Ciidamadaani ayaa waxaa tababarka siiyay Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethiopia kuwaasi oo saldhigyo ciidan ku leh Magaalada Baydhabo.

Tirada Ciidamada ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 400, waxa ayna noqonayaan ciidamadii ugu horeeyay ee loo tababaro Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia.

Shariif Xassan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, ayaa ka digay in Ciidamadu ay noqdaan kuwa cabsi galiya Bulshada ku dhaqan Baydhaba, waxa uuna ka digay in hubka ay heystaan ay u adeegsadaan qaab qaldan.

Waxa uu sheegay in Cutubyadaani ugu horeeya ay albaabada u furi doonaan kuwa soo socda, wuxuuna Dowlada Ethiopia uga mahadceliyay wanaaga ay la garabtaagan yihiin Maamulka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16