Armenia oo khasaare culus lagu gaarsiiyey DAGAALKA Azerbaijan + Tirada dhimasho

Baku (Caasimada Online) – Armenia ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan 136 ka mid ah askarteed lagu dilay dagaal ay xuduudda kula galeen ciidamada Azerbaijan toddobaadkan, taasi oo tirada khasaaraha dhimashada ka dhigeysa in ka badan 200 oo askari.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay iska hor-imaadka oo dhacay Talaadadii, islamarkaana dhammaaday habeenkii Khamiista kadib dhexdhexaadin caalami ah.

“Illaa hadda tirada dhimashada waa 135,” ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sidaas maanta u sheegay golaha wasiirada.

“Nasiib darro, ma ahan tirada kama dambeysta ah. Waxaa sidoo kale jiro dhaawac badan.”

Azerbaijan ayaa dhankeedana ku warantay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaadka.

Waxa uu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee labada dal dhexmara tan iyo markii ay muddo lix toddobaad ah ku dagaalameen xuduudda sanadii 2020.

Dhinaca kale, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancyo Pelosi ayaa lagu wadaa inay dhammaadkan toddobaadkan booqato caasimadda Armenia ee Yerevan, sida uu ku warramay wargeyska Politico, oo soo xiganaya ilo-wareedyo xog-ogaal u ah booqashada.

Wafdi ka socda Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah ee (CSTO), oo ah urur Moscow ay hoggaamiso oo ay ku mideysan yihiin Jamhuuriyadihii horey uga tirsanaa Soviet ka, ayaa Khamiistii gaaray Yerevan.

Armenia ayaa xubin ka ah CSTO, balse Azerbaijan kama tirsana.

Talaadadii, golaha ammaanka Armenia ayaa kaalmo militari weydiistay Moscow, oo ay waajib ku tahay inay difaacdo Armenia haddii duulaan shisheeye lagu soo qaado, sida uu dhigay xeerka ururka.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa sagaashamaadkii iyo 2020 waxaa dhex maray laba dagaal ayaga oo isku haya gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin dad badankood Armenian ah.

Dagaalkii lixda toddobaad socday 2020 ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dhammaaday kadib xabad-joojin ay Ruushku dhex-dhexaadiyeen.

Heshiiskaas ayey Armenia uga tanaasushay dhul baaxad leh oo ay tobanaan sano gacanta ku haysay, waxaana Moscow ay xuduudda gaysay 2,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah, si ay korjoogteeyaan xabad-joojinta.

AFP + VOA