Daawo sawiradda: Burburka diyaaradii Ruushka

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaraddii uu Ruushku lahaa ee maanta ku dhacday buuraleyda gobolka Siinaay ee dalka Masar ayaa la sheegay inay 224-kii qof ee saarnaa ay geeriyoodeen, kuwaasoo isugu jiray 217 rakaab ah iyo 17 shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Diyaaradda oo laga lee yahay dalka Ruushka, ayaa inta badan dadkii la socday waxay ahaayen dalxiisayaal u dhashay Ruushkha, waxaana dhammaantood la sheegay inay ku dhinteen shilkaasi.

Warbaahinta Ruuskha, ayaa qortay in cilad farsamo ku timid diyaaraddu, islamarkaana uu duuliyuhu qorsheynaayay in uu ka dejiyo garoon ku yaala Waqooyiga Sinai.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A321 ayaa waxaa iska lahayd shirkadda Kogalymavia, iyadoo ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh iyadoo ku socotay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Wadamada Ciraaq iyo Syria ayaa sheegtay inay soo riday Diyaaradaasi.

Waxa ay sheegen inay iyaga ka danbeeyen soo dhicitaanka diyaaraddan, iyagoo warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay iyagu soo rideen diyaaradda oo aysan u dhicin cillad la soo daristay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
shar1

shar2

shar3

shar4

shar5

shar6

shar7

shar8

shar9

shar10

shar11