Arrin dad badan ka yaabisay oo meelo ka mid ah Muqdisho ka billaabatay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka tirsan degmooyinka ay ka socdaan howlo aysan ku qancin dadka ku dhaqan degmada .

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad degan degmada Shibis ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in degmadaas dadka ku dhaqan lagu amaray in ay si xoog ah u bixiyaan lacago Sadaqo ah oo lagu kaalmeenayo dadka ku waxyeeloobay daadadka Puntland.

Maalintii shalay eheyd ayaa waxaa degmada ka dhacday in ciidamo ka tirsan degmada ay guri guri u galeen xaafada iyaga oo ku amrayay in qofkasta ay dhiibto 100 oo sh.so ah ama  $ 5  doolar hadii kale xabsiga la geyn doono.

Dadka qaar,  ayaa sheegay in ay la yaaban yihiin in lagu amro sadaqo xooga ah iyaga oo sheegay in aysan kalsooni ku qabaan waxa ay dhiibaan in dadka dhibaateysan la gaarsiinaayo.

Dhanka kale maamulka degmada Shibis ayaa waxa la sheegay in sababaha ay arinkaan u sameenayaan ay tahay in iyaga oo doonayo in ay noqdaan degamada lacagaha ugu badan dhiibtay waxa ayna ka ordayaan hadal ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobalka.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa si cad u sheegay in degmadii lacag badan keni weyso ay u aqoon sanayaan in dadkeeda aysan taageersaneyn.

Si kastaba maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Massjidyada degmooyinka laga aruurinaayay lacago tiro badan ,balse dadka reer Shibis ayaa la yaaban sababta ay sadaqada xoog ku noqotay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com