Arsenal oo soo heshay ciyaaryahankii ay ku bedeli laheyd Theo Walcott (Aqriso)

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa xooga saari doona inuu kooxdiisa kusoo biiriyo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Newcastle United Hatem Ben Arfa, kaasoo uu u arko bedelka ciyaaryahanka kooxda kasii socda ee Theo Walcott. Sida uu qoray wargeyska Caughtoffside.com

Tababaraha Gunners ayaa waqti dheer lala xiriirinaayey inuu diyaar u yahay inuu soo qaato weeraryahanka Magpies ka dib bandhigiisii il qabadka lahaa ee uu Ben Arfa kusoo bandhigay Barclays Premier League bilishii lasoo dhaafay.

Arsenal ayaa aalaaba wadahadalo kula jirtay Walcott laakiin waxay u muuqdaan inaysan ka miro dhalin inay Emirates kusii hayaan ciyaaryahanka reer England.

Cabasho uu ka qabo mushaar yari ayuu qarka ugu saran yahay inuu ka tago Gunners waxaana lasoo werinayaa in ciyaaryahankii hore ee Southampton bisha Janaayo la suuq geyn doono ka dib horumar la’aan saameysay wadahadaladii uu qandaraaska ku dheereyn lahaa.

Ben Arfa ayaa ku dhowaa inuu ku biro Arsenal intii lagu jiray sedaxdii sano ee uu 25 jirkaani la joogay kooxda Marseille, waxaana ciyaaryahanka loogu wacay xulka qarankiisa Faransiiska.

Weeraryahanka Newcastle United ayaa sheegay inuu ku farax san yahay noloshiisa North-East laakiin wuxuu usoo dhaqaaqi karaa Arsenal iyadoo uusan indhaha ka daboolan Karin asxaabtiisa ku sugan Emirates Stadium.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.