Arsenal oo wada qorshe ah inay Theo Walcott Manchester City uga bedelato Eden Dzeko.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu dhiso qorshihiisa weerarka ka dib markii uu arkay in kooxiisa ay xilli ciyaareedkaan kubada ku lumineyso marka ay tagto afaafka goolka.

Macalinka Emirates Stadium ayaa doonaya inuu sida ugu dhaqso badan Janaayo marka uu suuqu furmo isaga dhiso Weerarka wuxuuna Wenger isha la raacayaa weeraryahanka Man City Edin Dzeko kaasoo uu u arko midka baahi tiri kara kooxda ka dhisan London, sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Gunners ayaa dhibaato ka heysataa inay Theo Walcott qandaraas cusub ka saxiixato, kaasoo ku jira sanadii ugu dambeysay ee heshiiskiisa, waxaana Arsenal dooneysaa inay ku bedelato weeraryahanka Bosnia kaasoo u muuqda inaan loo qadarin dooqa koowaad ee tababare Roberto Mancini

Dzeko ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Man City Horyaalka inkastoo uu sedax kulan kusoo bilowday hadana wuxuu dhaliyey toban gool xaalada ayaana ahaan karta inuu ciyaaryahankii hore ee Wolfsburg baadi goob u galo tartan cusub. Waxaana laga yaabaa in suuqa la dhigo.

Wenger ayaa ganacsi heer sare ah kala dhexeeyaa kooxda Etihad Stadium isagoona Man City ka iibiyey xilli ciyaareedyadii dhowaa Gael Clichy, Kolo Toure, Samir Nasri iyo Emmanuel Adebayor wuxuuna tababaruhu dareemayaa inuu si fudud gacanta ugu soo dhigi karo Dzeko.

Man City ayaa 27 milyan oo ginni Dzeko kula soo wareegtay 18 bilood ka hor waxaana laga yaabaa inuu u baqoolo Arsenal. Iyadoo uu miiska saaran yahay inuu Gobolka Manchester u dhaqaaqo Theo Walcott.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.