Arsene Wenger oo doonaya inuu Theo Walcott baaqi kusii ahaado Arsenal.

Tababaraha kooxda Arsenal  Arsene Wenger ayaa rumeysan inay tahay in qandaraas cusub uu kooxda ka mudan yahay Theo Walcott ka dib markii uu si howl karnimo ah isku muujiyey inkastoo uuu qandaraaskiisa muran ka taagan yahay.

Kooxda ayaa dib u dhis lagu sameeyey ka dib markii uu ka tegay Robin van Persie, iyadoo la keenay Lukas Podolski, Olivier Giroud  iyo Santi Cazorla, laakiin Wenger ayaa fahamsan inay Tahay in qandaraas laga saxiixo Walcott ka dib markii uu shaqo fiican ka qabtay goolka hortiisa. Isagoo sedax gool dhaliyey kulankii ay Arsenal 7-5 ku dubatay Reading.

“Waxaan doonayaa inaan ceshto, waxaana  u maleynayaa  marka laga soo tago wadahadalada qandaraaskiisa, inay tahay in lagu amaano sida uu kooxda isagu hibeeyay, iyo sida uu u dhaqmayo.” ayuu u sheegay suxufiyiinta tababare Wenger.

“Waxaan mar walba dhihi jiray waxa uu noqon doonaa gooldhaliye. Haatan waa dhameystire fiican. Waxa uu yaqanaa meesha ay tahay in la joogo kubadaha ku celiska ah

“Taasna waa tayada gooldhaliye, cidna ma siin kartid, ama waad heystaa tayadaas ama ma heysatid.”

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.