Askari dhacdo xanuun badan ka geystay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Malitariga xaaskiisa uu ku dilay xaafad ka tirsan degmadaasi.

Xaafada dilka uu ka dhacay ayaa lagu magacaa Mishinka,waxaana dilka naxdinta leh uu dhacay xalay saqdii dhexe.

Marxuumada la dilay ayaa lagu magacabaa Faadumo Cabdulaahi Cali,waxayna lahayd uur, sida uu inoo sheegay aabaheed Cabdulaahi Cali.

Haweeneydaan ayaa ninkeeda dilay u dhashay ilaa iyo 7-carruur ah,kuwaasi ka naxay maqalka dilka Aabahood u geystay Hooyadood.waxaana skariga xaaskiisa ku dhiftay sida la sheegay Xabad.

Dilka ayaa ka danbeeyay sida la sheegay Hinaaso ama Maseyr uu ninka qaaday oo Habeenkii xalay ahaa oo dhan ay murmayeen sida dad deriska ay sheegeen.

Maxamed Cali Juungal oo ah askariga dilka geystay ayaa markii dambe la sheegay inuu kaligii isgeeyay saldhiga magaalada Jowhar.

Wali Ma jirto cid ka hadashay oo ka tirsan maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka.

Waxayna dhacdadaan noqotay mida ugu hadal heynta badan maanta magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com