ATMIS oo qaaday tallaabo yaab leh oo ay ku afduubatay guulaha Macawiisleyda

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa soo saaray qoraal u muuqda inay ku sheeganayaan guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab.

Qoraalka ATMIS ayaa u muuqda mid leh laba ujeedo oo kala ah; 1- In la gu xaqiro geesinimada iyo nafhurnimada ciidamada qabaa’ilka ee Macawiisleyda, iyo 2- In ATMIS ku sheegato guul aysan wax kaalin muuqata ku lahayn.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS waxay ku faraxsan yihiin inay ka garab siiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Hawlgalka socda, oo ahaa wejigii labaad ee weeraro qorshaysan ayaa billowday 15-kii September 2022, waxaana ilaa iyo hadda yihiin guulo aad u waaweyn.”

ATMIS ayaa intaas ku dartay inay si qoto dheer uga go’an tahay inay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya si loo helo amni, xasillooni, iyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Guulaha ay ATMIS sheeganeyso ayaa la xiriira degaanada dhowaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ee Abooray, Yasooman iyo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka ATMIS ayaan marnaba lagu muijin doorka weyn ee dagaaladaasi ay ku leeyihiin maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, iyagoo guulaha laga gaaray duulaanadaasi dusha u saariyay oo kaliya ciidamadooda iyo kuwa dowladda.

Waxaa xusid mudan inuusan weli caddeyn doorka ay ATMIS ku leheyd dagaaladan, iyadoo sawirrada laga soo qaaday jiidda hore ee dagaalka lagu arkayay oo kaliya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee is-garabsanaya oo ku sugan deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

ATMIS oo Soomaaliya ku sugan in ka badan 15 sano ayaa marnaba dagaal la taaban karo ku qaadin kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ay ka kooban yihiin in ka badan 22,000 askari, waxaana yaab leh inay hadda billaabaan inay kula daartaan guulaha laga gaaray Al-Shabaab, xilli ay u muuqato in kooxdan ugu dambeyn laga adkaan rabo.