Sawirro: Imaaraadka oo maalintii labaad agab ciidanka guranaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimda Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda daadgureynta Agabka Militery iyo Kunteenaro  Imaaraadka ka yaala magaalada Muqdisho.

Daadgureynta agabkaani ayaa socda maalintii labaad  waxaana lasoo sheegayaa in leysugu geynaayo Dekadda magaalada Muqdisho, iminkana laga soo wareejiyay Safaarada oo markii hore lagu diyaariyay.

Agabka lagu uruurinaayo Dekadda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa u taagan Markab ay soo dirtay dowlada Imaaraadka oo la doonaayo inuu daabulo dhammaan agabka.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiliyadii galbihii  waxaa lagu arkayaa dabaabadaha Imaaraadka oo kusii jeeda Dekadda si tirro koob loogu sameeyo Gaadiidka dagaal ee lagu raraayo Markabka Dekadda kusoo xirtay.

Gaadiidka lagu arkaayo waddooyinka ayaa isugu jira noocyada Gaashaman, kuwa aanu xabadda Karin, Kunteenaro iyo kuwa waaweyn ee lagu qaado ciidamada gurmadka ah, waxa ayna dhammaantooda ku caawin jireen ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Soomaalida oo ay tababarteen.

Qeybo kamid ah agabka Militey ayaa iminka si hordhac ah loogu sii xareeyay Dekadda Xamar, kuwaa oo kasoo gudbay tirro koobka, waxaana maalintii labaad lagu rarayaa Markabka.

Agabka ciidan ee ila iyo hadda lagu sii xareeyay Dekadda ayaa waxaa kamid ah Hubkii ay isticmaali jireen ciidamada daacada u ahaa Imaaraadka ee iminka lagu biiriyay Militeriga.

Dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqday in ay joojisay tababarkii Ciidan oo ay ka waday Soomaaliya, waxaana xigay talaabada ay ku daadgureyneyso dhammaan agabkii ka yaalay magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia weli kama aysan hadal dabaabadaha ay Imaaraadka kala baxeyso Somalia, waxaase soo baxaaya in guddi loo xilsaaray la socodka dhaqdhaqaaqa Imaaraadka mudada ay kusii nagaan doonaan Somalia.

Arrintaani ayaa timid kadib markii Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee NISA ayaa 8-dii bishan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku  qabteen lacag dhan 9.6 Milyan oo Saddex Boorso ku jirtay, taasi oo dalka keentay Diyaarad ay leedahay Imaaraadk Carabta.

SAWIRKA MARKABKA LA RARAAYO

Caasimda Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com