Axmed Madoobe oo dagaal siyaasadeed cusub ku furay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddadii shanta sano aheyd ee Axmed Madoobe uu dagaalka siyaasadeed kula jiray madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyaha Jubaland uma baahneyn awood ciidan oo uu Farmaajo kaga badbaadyo, maadaama ay ilaaliyaan Kenyanka. 

Axmed Madoobe wuxuu u baahnaa taageero dhanka sharciga iyo ra’yu caamka ah, oo uu ku muujiyo in Farmaajo kula dagaashan yahay qabiil dartiis, taasi oo uu ku guuleystay. 

Waxaa taageeradaas xooggeeda uu ka helay golihii Midowga Musharaxiinta ee ay hoggaaminayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, kuwaas oo si adag u difaacay madaxweynaha Jubaland kuna taageeray doorashadiisii muranka dhalisay ee 2019. 

Xasan Sheekh iyo Shariif kaliya taageero hadal uguma simin Axmed Madoobe ee waxay tageen Kismaayo ayaga oo ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa, taasi oo shabaddii ugu dambeysay ee ansixinta ku dhufatay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Jubaland. 

Xitaa waxay taas ku kasbadeen in Farmaajo uu labadii madaxweyne ku xayiray garoonka Aadan Cadde.

Markii Xasan Sheekh dib loo doortay, waxa uu Axmed Madoobe iyo beeshiisa ku abaal-mariyey xilka ra’iisul wasaaraha oo aysan weligood qaban, taasi oo meesha ka saartay cabsi kasta oo Axmed Madoobe ka qabi karay in dhibaato kaga timaado dhanka dowladda federaalka.

Muxuu ku abaalguday Axmed Madoobe?

Waxaas oo dhan wuxuu Axmed Madoobe ku beddelay inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu isaga oo saddex bil kaliya xafiiska jooga uu geliyo xasarad siyaasadeed oo Soomaaliya oo idil saameyneysa. 

Axmed Madoobe ayaa 22-kii August wuxuu baarlamankiisa ka ansaxsaday muddo kororsi hal sano ah, isaga oo aan eegeyn xaaladda dalka ku sugan yahay iyo waxa ka dhalan kara tallaabadiisa danta shakhsiga ah ku dhisan. 

Axmed Madoobe wuxuu sanado badan ku qeylinayey in Farmaajo dastuurka ilaaliyo, oo aan laga aqbaleyn muddo kororsi, haddana Farmaajo oo saddex bil un sii maqan, ayuu muddo kororsigii sameeyey.

Tallaabada uu Axmed Madoobe qaaday waxay buuq siyaasdeed oo laga baaqsan karay ku furtay madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu xafiiska ku cusub, hadafkiisa koowaadna yahay in dagaal mideysan lala galo Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo ay hortaallo xujo siyaasadeed

Xasan Sheekh hadda waxaa hortaalla xujo siyaasadeed weyn oo ah sida uu ka yeelayo ama uu wajahayo muddo kororsiga Axmed Madoobe.

Haddii uu ka aamuso, oo ka dhigan aqbalaad, waxay albaabka u fureysaa in dhammaan madax goboleedyada kale ee dalka, si gaar ah Koonfur Galbed, HirShabelle iyo Galmudug ay muddo kororsi sameystaan.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa Koonfur Galbeed, oo muddada Laftagareen ay ku egtahay bisha December ee 2022, inkasta oo Laftagareen uu sameystay muddo kororsi la diidan yahay. 

Tani waxay sidoo kale su’aal gelienysaa mabda’a iyo waxa uu aaminsan yahay Xasan Sheekh, maadaama dhowr sano uu Farmaajo ku diidanaa muddo kororsi horseeday dagaal uu dhiig ku daatay oo ka dhacay Muqdisho. 

Haddii Xasan Sheekh uu si shaacsan u diido muddo kororsiga Axmed Madoobe, waxaa furmaya dagaal iyo xasarad siyaasadeed oo dowladda aysan u baahneyn, taasi oo weecin karta dagaalka la qorysheynayo in lala galo Al-Shabaab. 

Waxay sidoo kale horseedi kartaa inay isku dhacaan dowladda iyo Puntland, oo la rumeysan yahay inay mar walba garab u tahay Jubaland.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah; in beesha Gedo ay isha ku hayso madaxweyne Xasan Sheekh, kana fileyso inuu u caddaalad falo, maadaama Axmed Madoobe uu muddo 10 sano ah kaligiis haysto kursiga madaxweynaha Jubaland, oo aan la gelin tartan siyaasadeed furan. 

Waxaa illaa hadda lala yaaban yahay sababta Axmed Madoobe u doortay tallaabadan? Balse sida muuqata, waa daneyste eegtay tiisa kaliya, ama diyaar u ah inuu dagaal siyaasadeed la galo dowladda Xasan Sheekh si la mid ah dowladdii Farmaajo.