Axmed Madoobe oo qorsho u gaar ah hordhigay baarlamaanka sharci-darrada ah ee Jubbaland !!!

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed madoobe ayaa Baarlamaanka sharci darrada laga dhigay ee Jubba ka codsaday in loo kordhiyo xilliga ay dheceyso doorashada.

Gudoomiyaha Baarlamanka Jubbaland Sheekh Abdi ayaa shalay iclaamiyay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland ay dhici doonto 15 bishan, oo ah waqti aad u kooban.

Madaxweyne Axmed ayaa si xushmad leh baarlamaanka ugu gudbiyay qoraal codsi ah, waxa uuna sheegay inay ciriiri ku tahay xilliga loo qabtay doorashada.

Dhanka kale, Madaxweynaha waxuu sheegay in uu si buuxda u aqbali doono go’aanka Baarlamaanka, hadii ay diidaan codsigiisa iyo hadii ay aqbalaan labadaba.

Codsiga Madaxweynaha waxuu muujinayaa,in go’aanki uu shalay ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka aan lagala tashanin madaxtooyada, gaar ahaan madaxweynaha, taasoo ka dhigan in shaqada Madaxtoyada iyo Baarlamaanka Jubbaland ay tahay mid kala soocan, sida sharcigu qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com