AXMED MADOOBE oo tagay Dooloow balse reer GEDO oo diidan inuu yimaado MAGAALADA….

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa bilaabay qorshaha ku aadan olalahiisa doorashada, kadib markii baarlamaanka Jubba ay ku diideen dalab uu u gudbiyay ee ahaa in dib loogu dhigo waqtiga doorashada ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo.

Wafdi uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa maanta tagay magaalada Doolow ee gobola Gedo, halkaasi oo uu doonayo inuu ka bilaabo olalaha uu doorashada ku galayo, maadaama maalmo kooban ay kaga harsan tahay waqtigiisa.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa magaalada Doolow kula kulmay maamulka iyo odayaasha degmada kuwaasi oo laga dhaadhiciyay qorshaha doorashada, inkastoo markaan aysan odoyaal soo dooran doonin madaxweynaha maamulka Jubba oo baarlamaanka ay soo dooranayaan.

Sidoo kale waxaa maanta Doolow tagay madaxweyne ku xigeenka Jubba Ismaaciil Fartaag oo ka dhaqaaqay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

11 maalin kadib ayaa la qorsheynayaa iney doorasho madaxweynenimo ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo magaalo madax KMG ah u ah maamulka Axmed Madoobe.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa salka ku haya sidii u uu muujin lahaa in maamulkiisu gaarsiisan yahay gobolka Gedo oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka degaankaasi si weyn uga horjeedaan, waxaana lagu waday inay bilaabato waanwaan labada dhinac la isugu keeno oo Itoobiya ay dhexdhexaadineyso.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale doonaya inuu tago magaalada Baardheere, balse madaxda Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka ayaa diidan qorshahaas, inkastoo uu taageero ka heysto ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada.

Siyaasiyiinta gobolka Gedo ayaa hore uga biyo diiday in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo loogu yeero inay yihiin ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, arrintaas oo C/llaahi Fartaag uu markii dambe ogolaaday inuu ka noqdo ujeedkiisii ahaa in Baardheere ay la wareegeen maamulka Jubba.

Fartaag ayaa hadda wada dadaal dheeri ah oo uu doonayo inuu madaxda gEdo ku ogoleysiiyo in Axmed Madoobe uu yimaado Baardheere

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com