Axmed Madoobe: Xasan waxba lagama faa’iidin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uusan waxba kusoo biirin dalka Somalia, marka laga reebo Qaraxyo sii kordhay.

Axmed waxa uu tilmaamay inuu aad uga walaacsan yahay cida uu Xassan Sheekh u talin doono, waa haddii uu mar kale kusoo laabto xilka madaxtinimo ee Somalia, waxa uuna shaki galiyay in Xassan uu mar kale noqon doono Madaxweyne Qaran.

Madoobe waxa uu farta ku goday in mudada 4-sano ee Xassan Sheekh uu xilkaasi hayo, uu dalka Somalia kusii fogaaday dhibtii la doonaayay in laga saaro, isaga oo taasi ku sheegay mid sabab u ah xisaabtan la’aanta dalka ka jirta.

Mar uu sifeynaayay Dowlada Xassan Sheekh, ayaa waxa uu sheegay inay tahay Dowlad saaxiib u ah Qaraxyo, Amni darro, Musuq iyo Nin jecleysi, waxa uuna dhammaan qodobadaasi ku sheegay kuwo aan sal iyo baar ku laheyn ujeedka uu xilkaasi Qaran dusha u saartay.

Nasiib darada ugu weyn ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay garasho la’aanta Xassan Sheekh, isaga oo carabka ku dhuftay in Xassan uu yahay mid aan unugley Somalia oo horumar gaarta.

Waxa uu sidoo kale, ku dhaliilay Xassan Sheekh inuu yahay mid caalamka ay qaati ka taagan yihiin islamarkaana Burbur u horseedi doona Somalia, waa haddii aan wax laga bedelin sida uu dalka ku hogaaminaayo.

Geesta kale, waxa uu shacabka Soomaaliyeed kaga digay inay raali ka noqdaan in lasoo celiyo Dowlad iminka ku fashilantay Amniga iyo Siyaasada.