Axmed Qoor Qoor wuxuu beesha Waceysle ‘ku qaaday dagaal karaamo dirir ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta kursiga loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa talo iyo tusaalooyin culus u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo yiri, “Siyaasi la hadlaya siyaasi kale maanta maahi, waan kula dardaarmayaa walaalkeeyow.”

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ugu horeyn Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey inuu beeshiisa Waceysle ku qaaday dagaal ‘karaamo dirir ah’ isagoo waxgaradka beesha Qoor Qoor ka codsaday inay arrinta soo faro-geliyaan oo aysan indhaha ka fiirsan sida uu wiilkoodu ula dhaqmayo beesha Waceysle.

“Qoor Qoor waxaad fursad u heshay inaad Galmudug xukunto, qaar ka mid ah beelaha Galmudug waxay maanta dareemayaan inaad go’aansatay inaad kuraastooda xoogto, Madaxweyne waxaad maanta heysataa jaanis aad isku saxdo, dad dhan ayaad dareensiisay in aysan muhiim u aheyn maamulkaaga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Sidoo kale Jeneraal Tuuryare ayaa Madaxweyne Qoor Qoor kula taliyey in hadii uu la dagaashan yahay siyaasi ka dhashay beesha Waceysle uusan ku takri falin xuquuqda beesha ee dagaalku uu ku ekaado shakhsiga ay is hayaan.

“Qoor Qoor inaad masiirka bulsho dhan fududeysato oo aad deg deg go’aan uga gaarto oo dhaxal weyn reebi kara, oo wadajirka Galmudug iyo mustaqbalkaaga siyaasadeed cawaaqib xumo ku reebi kara, Madaxweyne waan kaaga digayaa arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Tuuryare ayaa sheegay in kalsooni darro wayn ay gashay dadka reer Galmudug ee Qoor Qoor uu xukumo, “Dadka reer Galmudug waxaa galay shaki ah in mas’uuliyadda aad heyso aad u qalanto iyo in aadan u qalmin, waxaad maanta heysataa fursad ee kalsoonidaas soo celi,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Qoor Qoor uu beesha Wacaysle oo dhan uu ka doortay qof shakhsi ah oo kursi uu u boobay, sida uu hadalka u dhigay, “Carada iyo dhiilada ay beeshu ka qaadeyso tallaabadaa qaaday bal dib u fiiri, bal qiimey qofkaas waxa uu kuu tarayo iyo xumaanta beeshaas dhan kaaga soo hoyatay Madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Jeneraalka ayaa cida uu ka dhashay Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ka codsaday inay gacanta qabtaan, maadaama ay gaareyso ceebta uga soo hoyata wixii uu geysto.

“Dadku waa walaalo, Galmudug ayaa la isla leeyahay, madaxweynihii hadii uu ku cayaarayo qaar ka mid ah dadkii Galmudug, hadii garashada iyo mas’uuliyadiisu ay naga qaban weyso, hala helo ehel naga qabta, beeshaan cid masiirkeeda dhici karta ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan.

Jeneraal Tuuryare ayaa sidoo kale sheegay in waxa ay u dagaalamayaan hadii ay yihiin beesha Waceysle aysan aheyn kursi laga boobay oo kaliya, balse ay iska difaacayaan karamo dirro uu sheegay inuu kula kacay Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ugu dambeyntii Jeneraal Tuuryare ayaa golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ka qabtaan Qoor Qoor, maadaama maalmaha soo socda ay ka shiriyaan sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka dhacay doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii