Baadiyow oo war culus ka soo saaray shirka dib u heshiisiinta GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirka la filayo in dhowaan uu ka furmo gudaha magaaladaasi.

Dr Baadiyow ayaa marka hore ku baaqay in aan la siyaasadeyn dib u heshiisiinta ay dowladdu ka wado deegaanada maamulka Galmudug.

“Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiin, yaa la siyaasadeyn dib u heshiisiinta Galmudug, malahan mucaarad iyo muxaafad dhammaan waa inay ka soo qeyb galaan shirkaas.”ayuu yiri Baadiyow.

Sidoo kale wuxuu ka warbixiyey safaro ay lixdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku bixiyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay  in deegaanadii ay tageen ay ka jireen tabashooyin badan oo isugu jira kuwo beelaha dhexdooda ah iyo kuwa laga qabo maamulkii hore.

“Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan, dib u dhiska dowladnimada looga shaqeeyo.”ayuu mar kale yiri Dr Baadiyow.

Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa inuu furmo 5-ta bisha soo socota, iyadoo weli beesha degta Cadaado ay ka biyo diidan tahay shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com